Qarax xoogan ayaa goordhaw waxa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka lagu iibiyo alaabaha Qandalka, Qaraxa ayaa ahaa Bam ay tuuren dhalin yaro aan muuqaalkooda la garaneynin waxa ayna durbadii ka baxsadeen Goobta uu qaraxa ka dhacay
Gaabta qaraxa ayaa waxaa ku sugnaa dad badan oo iyagu ka kala adeeganaayay Suuqa iyo Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Somalia oo meesha ilaala ka haayay
Illaa iyo iminka inta la xaqiiqsan yahay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay 14-Ruux halka tiro intaa kabadana ay ku dhinteen
Lama Oga tirade rasmiga ah ee ku dhimatay Qaraxaasi balse Goobaha caafimaadka ayaa loo daabulaaya dad aad u farabadan oo iyagu lagu sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen balse dadkii lahaa ay kala xiriiraayan isbitaalkaasi.
Idale News Muqdisho