Qarax xoogan oo Khasaara Naf iyo maal isugu jira ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Reyhanli oo kutaalla xadka dalka Turkiga, kadib markii Weerarkaasi loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Walxaha qarxa.
Taliyaha Guud ee Ciiddamadda Ammaanka Turkiga ayaa waxa uu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan isla markaana ay ku geeriyoodeen 43-qof, halka Tiro intaa ka badana ay ku dhawacmeen.
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Qaraxa la doonaayay in lagu carqaladeeyo Amaanka dalka,balse ay Ciiddamadda Ammaanka gacanta ku dhigeen Tiro Argagixiso oo ka soo goostay Syria, kuwaasoo uu Taliyaha sheegay inay doonayen in Foodo ay ka sameeyan gudaha dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga oo ku sugan Barliin oo la hadaly warbaahinta ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in Turkigu uu qaadayo talaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo Amaanka dalka.
Ahmet Davutoglu ayaa tilmaamay in qaraxyadan laga soo abaabulay dalka Syria madaama dowlada Turkigu ay taagerto Mucaaradka wadanka Syria.
Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka iyo NATO ayaa canbaareeyay qaraxyadaasi waxaana ay muujiyeen in ay taageerayaan Xukuumada Ankara.
Idale News Muqdisho