Qarax Muqdisho: Kolonyo ciidamada AMISOM la socdeen oo lagu eegtay.

0
189

Idalenews:waxaa qarax lagula eegtay inta u dhaxeysa Warshadii Baastada iyo Isgoyska Ex Koontarool Balcad ee degmada Huriyaa, iyadoo qaraxa kaddib rasaas la maqlay.

Wararka ayaa sheegaya in illaa labo qarax lala eegtay kolonyada, waxaana jira khasaare ka soo gaaray Ciidamada AMISOM, inkastoo aan la ogeyn tirada dhabta ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in markii qaraxa uu dhacay lagu kala cararay goobta, iyadoo ciidamada AMISOM ka dageen gaariga ay saarnaayeen dabadeedna rasaas bilaabay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa howl gallo baaritaano sameeyay, iyadoo aanay jirin cid lagu soo qabtay.

Ciidamada AMISOM ayaa saldhig ku leh Xeradii Maslaxa ee duleedka Suuqa Xoolaha, waxaana dhacda marka ay xeradaas ka soo baxayaan ama ay aadayaan in qarax lala eegto.