Muqdisho (INO) — Ugu yaraan labo Ruux ayaa dhaawacantay kadib markii Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa uu ku qarxay nawaaxiga Isgooyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa yimid ka gadaal markii Gaari lagu soo cabeeyay waxyaabaha Qarxa uu Askari ka tirsan Dowladda uu isku dayay in uu istaajiyo si uu u marsiiyo baaritaan balse baaritaanka ka hor uu qarxay Gaariga, sida uu sheegay Goobjooge.
Gaarigan qarxay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen labo Ruux oo loo maleenayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaaab, iydoona weli aan la shaacin halka Gaarigaasi lagu weerari rabay.
Qaraxan ayaa sidoo kale waxuu sameeyay ama dab qabadsiiyay Kaalin Shidaal oo ku taalla halka uu ku qarxay Gaarigaasi, inkastoo goor dambe lagu guuleystay daminta dabkaasi.
Weeraro u badnaa Qaraxyo oo mas’uuliyadoodu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay waxey siyaabo kala duwan uga dhaceen Magaalada Muqdisho.