Qarax ka dhacay Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi

0
222

Waxaa Habeennimadii xalay qarax xoogan ka dhacay goob la sheegay inay ku caweynayeen Ajaanib iyo muwaadiniin u dhashay Dalka Kenya, gaar ahaan Xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii.

Sida lagu soo waramayo Qaraxan ayaa ahaa mid ka dhacay baar ay khamrada ku cabaan dadka Kenyanka ah oo ku yaal kasoo horjeeda Masjidka Hidaaya ee xaafada Islii, halkaasi oo Qaraxa kadib ay soo gaaren Ciidamadda Ammaanka Dalkaasi Kenya oo durbadiiba ka qab-qabtay dad looga shakiyay inay indha-indheynayeen Qaabka uu qaraxa u dhacaayay.

Baarka Qaraxa Bambaano lagu weeraray ayaa waxaa sanadkii hore lagu weeraray qarax Ceynkaasi ah oo ay ku dhamaaden dad farabadan, halka dadkii ku dhawacmayna uu ka mid ahaa Xildhibaanka xaafadaasi laga soo doorto ee Yusuf Xasan.

Dhanka kale Qaraxa ka dhacay goobtaasi lagu caweynaayay ayaa murran ka taagan yahay waxa sababay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in rasaas ciidamada rideen ay ku dhacday makiinada gaaska, halka warar kale ay sheegayaan inuu qaraxa ka dhashay bambaano lagu tuuray goobtaasi baarka ah.

Si kastaba ha ahaatee Qaraxa Habeennimadii xalay ka dhacay Dalkaasi ayaa waxa uu bar-bar socdaa Qaraxyo mudooyinkaani lagu weeraraayay Ciidamada Kenyaatiga, waxaana jira warbixino sheegaya in Qaraxii xalay ay ka dambeeyen Rag u dhashay Dalkaasi Kenya oo iyagu la sheegay inay horu dhac u yihiin Foodooyin la sheegay inay qorsheeyen Xisbiyada Mucaaradka oo iyagu dhaliilsan Natiijooyin sheegaya in laga guuleystay Mucaaradka.

Idale News Muqdisho