Qaramadda midoowe oo ka shiraysa Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan

0
214

Magaaladda Vienna  ee xarunta Dalka Austria ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlayao barnaamijka Nucliyeerka Dalka Iiraan,kaasi oo Saraakiisha hay’adda Qaramada Midoobay ee dabagalka Hubka Nukliyeerka ay maanta ku yeelanayaan halkaasi.

Inta uu socdo Kulankan waxa diiradda lagu saari doonaa barnaamijka Nukliyeerka dalka Iiraan iyo sidii wax looga qaban lahaa walaaca dunidu ay ka qabto horumarinta hubka Nucleaarka iiraan oo ah mid in muddo ah soo jiitamayay.

hay’ada la socodka hubka Niyukleerka ee loo soo gaabiyo IAEA Warbixintii ugu dambeysay oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in Iiraan ay u hogaansantay heshiiskii ay la gashay 6 dal quwadaha waawayn oo Mareykanku ka midka yahay.

Quburo ku xeel dheer arrimaha Nucliyeerka ayaa sheegaya in Dowladda Iiraan ay sanado badan ku qaadan karto in ay ku guuleysato sameysashada hubka sida halista ah wax u baabi’iya ee Nucliyeerka.

Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Jey. Trump ayaa dhowr jeer wuxuu si kulul u weeraray Iiraan iyo heshiiskaasi lala galay oo uu si aad ah uga biyo diidsanaa,waxaana heshiiskasi uu u dhexeeyaa Iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn oo uu ku jiro Mareykanka.

Dowladda Iiraan ayaa Heshiiskan  lala galay sanadkii 2015 xiligaasi oo Mareykanka uu hoggaamiyaay Madaxweyebn Brack Obama, waxaana Iiraan dhankeeda ay ku badalatay in laga khafiifiyo cunaqabataynta dhaqaalaha oo horey loo saaray