Qabashada Codsiyada Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo maanta la soo gabagabeynayo

0
193

Muqdisho(INO)—Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka Baarlamaanka ayaa maanta soo gabagabaynaya qabashada codsiyada musharaxiinta u tartamaysa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.

Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkadiisa ayaa horay u sheegay in maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 05-ta Bisha Janaayo in ay ku eg tahay diiwaan gelinta iyo codsi qabashada Musharaxiinta u tartameysa Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

Waxaa lagu wadaa in maanta ay gudbiyaan codsiyadooda musharaxiin cusub oo doonaya in ay u tartamaan xilalka guddoonka Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaanada maanta gudbinaya codsigooda ayaa waxaa laga xusi karaa Xildhibaan Faarax C/qaadir oo hore xilal ugaga soo qabtay dowlada Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka mid ah xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Jowhar ayaa u sheegay Jowhar.com in Faarax uu isu soo sharaxayo xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka waxayna xiiso u sii yeelaysaa doorashada guddoonka baarlamaanka.

Illaa iyo hadda ayaa waxaa la xaqiijiyay in guddoomiyaha baarlamaanka codsiyadooda musharaxnimo gudbiyeen Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, Xildhibaan Xuseen Cusmaan Xuseen iyo Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar.

Sidoo kale Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad waxaa isku soo sharaxay ilaa hadda Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan C/wali Ibraahim Sheekh Muudeey.

Doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inay dhacdo 11ka bishan Janaayo iyadoo ay gaari karto illaa iyo 12ka Bishan Janaayo 2017.