Diyaar garow Ballaaran oo ay wadaan Ciiddamadda Dowladda Somalia ayaa waxaa laga dareemaya Gobollada dalka taasoo ay Ciiddamadda Dowladda ugu diyaar-garowayaan Xuska sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay oo ku beegan manta kuna asteysan Taariikhda 12-ka April.
Madaxii howlgelinta ciidanka dowladda ee ku sugnaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, Yuusuf Cismaan Xuseen, oo iminka Socdaal ku jooga Magaaladda Muiqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in Ciiddamadda Dowladda ay maanta u diyaar garoobayaan Xuska sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay Ciidanka xoogga Soomaaliya.
Yuusuf Cismaan Xuseen, oo Socdaal Shaqo ku jooga Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu amaanay Nolosha iminka ka taagan Magaaladda Muqdisho waxa uuna sidoo kale, sheegay in Magaaladda Muqdisho ay xilligaani la tartameyso Caasimadaha Ammaanka ah ee Caalamka waxa uuna hambalyo u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo uu tilmaamay inuu sanadkan nasiib u yeeshay inuu xuska aasaaskiisa ku damaashaado guulo uu ka gaaray howlgallada ka dhanka ah Maleeshiyadda Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Ciiddamadda Xooga Dalka Somalia ayaa sheegay in Subaxnimadii saakay uu gabogabo u marayo diyaar-garowga ay ugu jiraan xuska maalinta ciidanka xoogga dalka.
Idale News Muqdisho