Qaar Ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Waqooyi Bari Kenya oo Dowlada ku eedeeyey dhibkii Gaarisa ka dhacey

0
220

Qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Kenya oo maanta shir ku qabtay xarunya Baarlamaanka Kenya ayaa Dowlada Kenya ku eedeeyay rabshadihii kadhacay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.Xildhibaanadan oo uu madax u ahaa gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaara ayaa ku hanjabay in Dowlada ay ka dacweyn doonaan maxkamadaha caalamiga hadii ay cadaalada horkeeni weydo ciidankii dhibka ka geystay magaalada Garissa.

Xildhibaanadan ayaa ciidanka Dowlada ku eedeeyay isticmaalka awood xad dhaaf ah.Faarax macalin ayaa cambaareeyay falalkii ka dhacay xaafada Islii iyo magaalada Gaariisa isagoo rabashadihii dhacay dusha uga tuuray ciidanka amaanka Kenya oo uu ku sheegay kuwo ku guul dareystay sugida amniga muwaadiniinta Kenya.

Xildhibaanadu waxay sheegeen in rabashadahaas dumar lagu faraxumeeyay hanti badan lagu burburiyay waxayna ku baaqeen in cadaalada la horkeeno dadkii falalkaas ka dambeeyay.

‘‘Dhibaata aad uweyn ayaa jirta oo baaxada ay dhantahay la rumaysan karin.Kama hadhi doono kooxihii falkan geystay xataa hadii ay noqoto in dacwada la gaadhsiiyo maxkamada caalamiga ah sida dhacday rabshadihii doorashadii sanadihii 2007/2008.Dadkii ka dambeeyay falkan waa in lasoo qabtaa,’’ ayuu yidhi Faarax macalin oo kamida xildhibaanada laga soo doorto degmada Gaarisa.

Faarax Macalin wuxuu sheegay in ganacsatada ree Gaarisa ay rabshadahan ku waayeen hanti gaadhaysa 1.5bilyan ilaa iyo 2 bilyan oo shilin Kenya ah.

Ugu dambeeyntii Faarax Macalin wuxuu wasaarada Difaaca ee Kenya ka codsaday inay qeexdo sababta ciidanka militarigu uu howlgal uga fulay gudaha Gaarisa iyagoon ogolaansho ka haysanin Baarlamaanka.

Xildhibaanadii kale ee kulanka ka hadlay waxaa kamida Aadan Keynaan oo laga soo doorto galbeeka degmada Wajeer.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Difaaca ee KenyaMusila ayaa balan qaaday inuu qoraal rasmi ah kasoo saari doono arinta ka dhacday Gaarissa.