Kulamo cishooyinkii ugu dambeeyey ka socday xarunta maamulka gobalka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa waxaa ugu dambeyntii lagu heshiiyey in la magacaabo 5 guddi oo kala ah Amaanka, Diyaarinta doorashada, Xulista Ergada, Farsamada Shirka, iyo guddiga Taageerada & Dhaqaalaha
Kulamadaan ayaa sidoo kale la isla gartey in 3da gobol ee maamulka Jubbaland State salka u noqon doona midkiiba la siiyo saamiga ergada u mataleysa shirka. Gobalka Gedo ayaa waxaa saamiga ergada ay leeyihiin lagu sheegey 165 ergo, Jubbada Hoose 185 ergo, iyo Jubbada Dhexe 135 ergo, taasoo wadarta guud ee ergada ka dhigeyso 485 ergo oo ka kooban 3daas gobal, Waxaana howsha ergadu noqon doontaa iney soo xulaan xubno barlamaan oo ka kooban 65 xildhibaan kuwaas oo iyaguna soo doorta Madaxweynaha Maamulka Jubbaland State.
Gudiga amniga ayaa loo xilsaarey iney si deg deg ah ku soo gudbiyaan qorshe lagu xoreynqqyo deegaanada ka mid ka ah sadexda Gobol ee wali ku jira gacanta ururka Al-shabaab iyo sidoo kale guud ahaan amaanka ergada shirka iyo goobaha muhiimka ee Degmada Kismaayo.
Ilaa iyo hadda lama oga halka dhaqaalaha shirka ka imaan doono, iyo qaabka loo keeni karo ergada gobolada ay shabaabku haystaan. Waxaase dadka siyaasadda falanqeeya sheegayaan in ergada shirka la wada og yahay oo intooda badan ay ku sugan yihiin xarunta shirka uu ka socda ee degmada Kismaayo.
Maamulka Kismaayo ka arrimaya ayaa ka go’an inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u dhiso maamul goboleed howshiisa ka soo bilaabatey gudaha Kenya halka dowlada Somalia iyaduna marar badan sheegtey in howhsa maamul u sameynta gobalka dalka looga dambeeyo xukuumada Somalia.
Idale News Kismaayo