Puntland State oo saraakiil Ethiopian ah ugu yeeratay weerar ay qorsheysay in lagu qaado

0
224

Garowe(INO)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe, ayaa sheegaya in Taliyayaasha Ciidamada Militeriga Puntland, ay wadaan qorsho duulaan loogu qaadayo Buuraaleyda Galgala.

puntlabd-flag

Wararku waxa ay sheegayaan in duulaankaasi ay ka qeybqaadan doonaan Saraakiil ka soo jeeda dalka Ethiopia kuwaasi oo iminka ku sugan Magaalada Garoowe.

Sidoo kale, qorshaha duulaankaani ayaa waxaa ka qeybqaadan doono ciidamada Puntland kuwooda ugu tababarka fiican, si halkaasi looga saaro Maleeshiyaadka kusii xoogeysanaya.

Buuraaleyda Galgala ayaa waxaa kusii kordhaayo Maleeshiyaadka Alshabaab ee baxsadka ka ah Gobolada Dalka, kuwaasi oo inta badan cadaadin adag kala kulmay Ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM.

Dajinta qorshahaani ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu socdo muddo Laba asbuuc ah, ka gadaal markii rajo xumi laga muujiyay awoodaha ay Maleeshiyada ku yeelanayaan Galgala.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here