Garowe(INO)-Iyadoo Soomaalida ku nool dalka Yemen ay kusoo qulqulayaan Somalia ayaa waxaa arrintaasi walaac ka muujiyay Maamulka Puntland.
Afhayeenka Maamulkaasi Cabdullahi Maxamed Jaamac ”Quraan Jacel” ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu wado qorshaha dib u dajinta qaxootiga, waxa uuna walaac adag ka muujiyay in qaxootiga ay kusoo dhex dhuumaleystan dhalinyarada Alshabaabka ee Kooxda uga dagaalami jiray Yemen ama halkaasi kusoo tababartay.
Waxa uu sheegay in lagama maarman ay tahay inay aragti u yeeshan waxa ay yihiin dadka kasoo laabanaayo Yemen.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu feejignaan kaga jiro in Qaxootiga kasoo qaxaya Yemen ee soo gaaraya Puntland ay kusoo dhex dhuuntaan waxa ay ugu yeereen Kooxaha argagixisada.
“Puntland waxa ay beesha Caalamka ka codsaneysaa sida Qaramada Midoobay, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo dhamaan dhinacyada ay quseyso arrimaha Qaxootiga in Puntland lagu gacan siiyo sidii ay u qaabili lahayd Qaxootiga Yemen”
Sidoo kale, Cabdullahi Maxamed Jaamac ”Quraan Jacel” ayaa sheegay in Puntland ay ku qasban tahay inay u hogaansanto sharciga Caalamiga ee soo dhaweynta Qaxootiga maadaama uu sheegay Somalia ay qeyb ka tahay Wadamadii saxiixay qaabilaada Qaxootiga.
Dhinaca kale, Qaxooti isugu jira Soomaali iyo Yemen ayaa soo gaaray Xeebaha gacanka Cadan ee Somalia kuwaasi oo kasoo baxsaday Dagaalada ka socda Yemen ee u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Dowladaha Carabta.
Idale News Online, Garowe