Garowe(INO)- Maamulka Puntland ayaa sheegay xubno ka socday Qaramada Midoobay oo gaaray Magaalada Garowe inay u diideen ku wareejinta Maxaabiis Shabaab ah oo ku xiran Xabsiga Magaalada Garowe.
Maxaabiistaan Shabaabka ah ayaa lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal iyo Gobolka Mudug, halkaasi oo Shabaab ay duulaan ku qaadeen.
Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolada Nugaal iyo Sool Gaashaanle Cabdullaahi XirsiCali(Cabdullaahi Dheere) ayaa sheegay xubnaha Qaramada Midoobay ka socday ee ay la kulmeen Todobaadkii hore inay codsadeen in lagu wareejiyo Maxaabiista Shabaabka.
Wuxuu sheegay Maxaabiista inay doonayeen inay geeyaan Magaalada Muqdisho, balse Puntland ay u sheegtay inaysan bixineyn maxaabiistaasi.
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, ayaa todobaadkii hore waxa ay booqdeen Xabsiga Magaalada Garowe oo ay ugu kuurgaleen xaalada ay ku sugan yihiin Maxaabiista Shabaabka ee halkaasi ku xiran.
Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in la tooganaayo xubnaha Shabaabka ka tirsan ee dilka toogashada ah lagu xukumay.
Ugu dambeyntii, Dhalinyaro badan oo Shabaab ka tirsan, laguna qabtay dagaaladii ka dhacay Aaga Togga Suuj, ayaa ku xiran.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.