Puntland oo Gaadiid cusub oo ku sii jeeday Deegaanada Galmudug gacanta ku dhigay

0
251

Garowe(INO)- Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen illaa 4 Gaadiid ah oo ka soo dagay Dekedda Magaalada Boosaaso kuna sii jeeday deegaanada Maamulka Galmudug.

Gaadiidkaan la qabtay ayaa la sheegay in ay kala yihiin 3 Gaari oo nuuca Soomalidu u taqaan Cabdi Bilaha ah, oo cusub iyo Gaari nuuca Gaashaaman ee loo yaqaan Bulla Buruuf.

Waxaana Gawaaridaasi ay Puntland qabatay xilli ay markaasi ay marayeen Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland una sii gudbi rabeen dhinaca Galmudug.

Lama oga sababta ka dambeysa in Puntland ay Gaadiidkaasi gacanta ku dhigto iyadoo sheegeysa in ay ku sii jeedeen deegaanada Galmudug.

Balse tallaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Puintland ay mamnuucday Gaadiidka deegaanadeeda uga yimaada Koofurta Gaalkacyo.

Walow Gaadiidka ay haatan qabteen ay yihiin kuwa cusub oo Dekedda Boosaaso laga soo dajiyay.

Ma jiro dhinaca Galmudug wax war ah oo arrintaan ay ka soo saareen haddii ay jiraan Gaadiid ay leeyihiin oo uga soo dagay Dekedda Boosaaso laguna qabtay Magaalada Garoowe.,