Muqdisho(INO)-Madaxweynaha maamulka khaatuma Stete Dr.Cali khaliif galeyr oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa waxaa la kulmay madaxweynaha maamulka Galmudug stete Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid Kulanka labada masuul ayaa waxaa la sheegay in ay qaateen in ay Albaabada u xirnaayeen.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Khaatumo stete ayaa waxaa uu la kulmay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya shariif xasan shiiikh Aadan kuwaasi oo ka wada Hadlay sidii ay iskaga kaashan Lahaayeen dhanka hormarka iyo nabad gelyada.
Cali khaliif galeyr madaxweynaha Maamulka khaatuma Stete ayaa waxaa uu Kulamo Gooni Gooni ah la yeelanayaa Masuuliyiinta maamulada dalka ka jira kaasi oo uga Gol leeyahay in uu ad keeyo Xariir kala Dhaxeeya.
Galeyr ayaa waxaa lagu wadaa in uu sidoo kale inta uu ku sugan yahay magaalada muqdisho uu la kulmo wakiilada beesha caalamka ee ku sugan magaalada muqdisho.