Muqdisho (INO)—Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa shaaca ka qaaday in awoodii Baarlamaanka ay la wareegeen Hogaanka Madasha Qaran ee Soomaaliya, islamarkaana gacanta baarlamaanka aysan waxba ku jirin.
Xildhibaanka oo La hadley warbaahinta ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay ku jahwareersan yihiin hadii Guddoomiye Jawaari uu arintaasi wax kala socdo.
Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxuu hoosta ka xariiqay in loo baahnaa arimaha la xiriira doorashooyinka ee xasaasiga ah in loola soo laabto Baarlamaanka Soomaaliya balse aysan muuqan arintaasi.
Geesta kale, Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa beeniyay wararka ku aadan in Baarlamaanka Soomaaliya uu doonayo muddo kororsi, isagoona ku tilmaamay warkaasi mid aan sal iyo raad toona la heyn.
Hadalka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxuu imaanayaa xili la guda galay marxalad kala guur ah, Dowladduna ay u harsan tahay muddo kooban balse aysan muuqan olole ay ku qanacsan yihiin Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka socda Dalka.