Prof Jawaari: “Ajandaha miisaaniyada dalka ayaa Xildhibaannadu ka doodi doonaan maalinnimada Axada ah ee soo socota”

0
218

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan isugu yimid xarunta Golaha Shacabka Qaranka ee Magaalada Muqdisho ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda Seddexda bilood ee ka harsan sanadkaan 2012.

Kulankan ayaa maanta yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sida uu sheegey guddomiyaha Barlamaanka Soomalia Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ahaa kala fadhiga 1aad fadhigiisa 14aad ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo isagu ugu horeyn Xildhibaannada u sheegay in ajandaha kulankan uu yahay miisaaniyadda Seddexda bilood ee soo socota.

Mudane Cabdinaasir Maxamed Cabdulle oo ah Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Lacagta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane oo hadal ka jeediyey barlamaanka ayaa tilmaamay in miisaaniyadan ay tahay mid ay horey u ansixiyeen golihii Wasiirrada ee Xukuumadda Badbaado Qaran ayna aheyd miisaaniyad loogu talagalay sanadkaan 2012 hase ahaatee isticmaalka miisaaniyaadaan ay ku kooban tahay ilaa dhamaadka sanadkaan.

Xildhibaannada Baarlamaanka oo markii qoraalka Miisaaniyadan ay soo diyaarisay Wasaaradda Maalliyadda kadib ka hadlay shirka ayaa soo jeediyey aragtiyo kala duwan balse waxaa ay talooyinkooda u badnaayeen in xildhibaannada la siiyo fursad ay nuqulka wasaaradu u soo gudbisey u soo akhristaan kulankooda dambana uga doodaan taasi uu Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed cismaan Jawaarina uu ka aqbalay.

Ugu dambeyntii Afhayeenka barlamaanka oo kulankii maanta soo xirey ayaa sheegay in ajandaha miisaaniyada dalka ee 3da bilood ay Xildhibaannadu ka doodi doonaan maalinnimada Axada ah ee soo socota, waxaana uu ka codsadey in ay xildhibaanada si fiican u soo eegaan qoraalka si ay howlaha kale ee horyaala barlamaanka ay u sii socdaan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com