Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ee si weyn uga socoto u diyaar garowga Doorashada Madaxweyne ee Maamulka Jubaland State oo la filayo in dhawaan qabsoonto.
Musharixiinta u taagan Xilka Madaxatinimo ee Maamulka Jubaland State ayaa halkaasi kawada olole balaaran uu Nin waliba ku doonayo in loo doorto hogaanka ugu sareeya Maamulka muranka ka taagan yahay dhisidiisa ee Jubaland State.
Qaar kamid ah musharixiinta ayaa ololahooda waxaa qeyb ka ah iyagoo sawiro iyo hal ku dhigyo u gaar ah ee ku dhajinayaan Faras magaalaha iyo gaadiidka gaarka ah waxaa sidoo kale la arkayaa Sawirada Musharixiinta oo magaalada dadku ku dhax wataan una ololeenayaan.
Ololaha ugu balaaran waxaa Kismaayo kawada Hogaamiyaha Kooxda Raaskanbooni hadana ah Gudoomiyaha maamulka KMG ee Magalaada KIsmaayo Sheekh Axmed Madoobe oo qarash badan ku bixiyay ololaha uu ugu jiro in madaxweynaha Jubaland loo doorto.
Wali ma cada tirada Rasmiga ah ee u taagan Doorashada Madaxweyne ee Maamulka Jubaland State hasa ahaatee waxaa jira Qilaaf wali ka taaagan cida Beesha Absame uga qeyb gali laheed Doorashada , waxaana Odayasaha Beeshaasi isku raaceen in Axmed Madobe matalo inkastoo ee jiraan Musharixiin kale oo ka biyo diiday Qorshaha AXmed madoobe kaliya Beesha ku sharxeeso.
Idale News Muqdisho