Baydhabo(INO)-Odayaasha dhaqanka Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan 45 Golaha guurtida ee uu fadhigoodu yahay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ayaa shalay gelinkii dambe loo qaybiyay foomamkii xubinimada baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay usoo xulaan xubnihii ka mid noqon lahaa baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Malaaq Deerow Yacquub, afhayeenka Odayaasha DhaqanKa Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Hadley warbaahita ayaa sheegey in hada bilaabeen marxaladii ugu dambeysay ee Xalusta Baarlamanka KGS.
“ Maanta waxaa na loo qiibayey Foomankii odayaasha Ay ku soo xuli la haayeen Xubaha Baarlamanka KGS,dhawaan waxaa lagu dhawaaqaya Magacayada Xildhabaanada Baarlamanka” Ayuu yiri Malaaq Deerow
Qaybinta foomamka ayaa timid kadib markii ay dib u dhac ku timid arintaasi tiro dhowr jeer ah Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hada ay hal sano u buuxsantay ayaanan lahayn wax baarlamaan ah marka laga reebo golaha wasiirada oo iyaga qabto howsha badankeed.
Ugu dambeyntii, Maalinta Khamiista ee soo socota ayaa ah maalinta ugu dambeysa ee odayaasha dhaqanka looga baahanyahay inay kusoo gudbiyaan xubnihii uga midka noqon lahaa baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayada oo ay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay si xowli ah uga socoto soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Idale News Online,Xafiiska Baydhabo