Nin Mindi watay oo dad ku dhaawacay boosteejada tareenada laga raaco ee Bariga London

0
284

 London(INO)— Nin Toorey watay ayaa weeraray dad ku sugnaa boosteejo laga raaco Tareenada dhulka hoostiisa ah ee bariga magaalada London, iyadoo ciidamada booliska ay qabteen ninkii ka dambeeyay weerarka tooreyda.

Saddex qof oo mid ka mid ah uu dhaawiciisa culus yahay ayaa lagu tooreeyeeyay boosteeda Leytonstone ee bariga magaalada London, waxaana weerarka tooreyda kadib hakad ku yimid tareenada isaga kala gooshi jiray London iyo magaalooyinka kale.

Booliska ayaa shegay in dhacdadan ay u baarayaan sidii fal argagixiso oo kale, kadib markii ninka tooreyda watay uu ku qeylinayay in weerarkan jawaab u yahay duqeynta Suuriya, ayna tahay hadiyad ka timid Suuriya.

Saraakiisha la dagaalanka Argagixisada ayaa sheegay inay suurta gal tahay weeraro argagixiso oo dhaca, waxaana dhacdadan ka dhacday London ay sare u qaaday feejignaanta Ciidamada.

Dowladda UK ayaa todobaadkii hore bilowday weeraro cirka ah oo ka dhan ah Kooxda IS ee fadhigoodu yahay dalka Suuriya.

toorey (1)toorey (2)toorey (3)toorey (4)toorey (5)

 

 Idale News Online, london

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here