Xulka Nigeria ayaa sidii cadada u aheydba muujiyay in uu wali yahay xul awood kuleh qaarada Afrika kadib markii uu caawa daadka raacsiyay xulka Ivery Coast kulan ka tirsana wareega 8-da ee koobka qaramada Afrika.
Nigeria ayaa ciyaarta hogaanka uqabtay daqiiqadii 43 aad ee qeybtii hore markii kubbad free kick aheyd uu Obi Mikel utaagay Emmanuel Emenike kaas oo isna darbo kulul dhex dhex digay goosha Ivery Coast .
Marki la isku soo laabtay qeybtii labaad Ivery Coast ayaa heshay bar bar dhac daqiiqadii 50 aad markii free kick uu soo laaday Didier Drogba uu madax ku dhaliyay Cheik Tioté.
Laakin Nigeria ayaa markale hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 78 aad markii Sunday Mba uu ciyaarta ka dhigay 2-1.
Ivery Coast ayaa dadaal badan ku bixisay in ay ka jawaabto goolkaas laakin difaaca Nigeria ayaa noqday mid aan la dhaafin, ciyaartii ayaana ku idlaatay 2-1 sidaas ayey Ivery Coast uga laabatay koobka qaramada Afrika.
Nigeria ayaa sidaas ugu soo baxday semi final-ka.
Idale News Muqdisho