Nicholas Kay oo soo dhoweeyay wada hadalada lagu dhameynayo Mooshinka

0
232

Muqdisho(INO)— Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay dadaalada lagu xalinayo khilaafka ka dhashay mooshinkaxil ka qaadista ee laga keenay Madaxweynaha.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Nicholas Kay ayaa waxaa uu ku bogaadiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada mooshinka xil ka qaadista keenay inay si wax tar ah uga shaqeeyaan in mooshinka lagu xaliyo wada hadal iyo wada tashi.

“Waxaan soo dhowaynayaa dadaalka ay wadaan Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga taageersan Mooshinka xil ka qaadista si ay si wax tar leh isagala shaqeeyaan uguna xaliyaan wada hadal iyo wada tashi arrimihii mooshinka Xilka qaadista”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay.

Mr Kay ayaa ugu baaqay in dhamaan dhinacyada khilaafka u dhaxeeyo in si dhakhso ah uga howl galaan xal u helida khilaafka hada jira, waxaana uu xusay in xalkaas uu ka qeyb qaadanayo horumarka geedi socodka Siyaasada Soomaaliya.

“Waxaa ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khuseyso inay si dhakhso leh horay ugu howl-galaan si ay xal ugu helaan khilaafka hada jira, xalkaas wuxuu ogolanayaa horumarka Geedi socodka siyaasadda Soomaaliya inuu u socdo, si aan hakad dambe laheyn, sidoo kalena ay isugu yimaadaan dhinacyada siddi ay diirada u saari lahaayeen sidii loo bilaabi lahaa qabsoomiddii Madashii looga Arrinsan lahaa Doorashooyin ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ayna garwadeen ka yihiin sanadka 2016″ayuu yiri Ergayga gaarka ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhowaan soo saaray qorshaha lagu maareynayo mooshinka Madaxweynaha, iyadoo labada dhinac ay ogolaadeen in wada hadal lagu dhameeyo mooshinka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here