Nicholas Kay oo ah ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa xili uu khadka teleefoonka uga qeybgalaayey kulan ay xubnaha golaha ammaanka ku lahaayeen magaalada New York u sheegay markii ugu horreeysay in xaalada amni ee magaalada Muqdisho tahay mid aad u liidata, amni xumada ka jirta magaalada caasumada ah ay ka sii darayso.
…”””Wali ma ahaa mid hagag-san xaaladda amni ee Soomaaliya,waxaana idin sheegaya in xaaladda ammaan walaac uu ka taagan-yahay, gaar ahaan Muqdisho oo xalaaddeeddu ay kasii dayrayso, Al-shabaab waxay bishii lasoo dhaafay ka fulisay Muqdisho weerarro Ismiidaamin ah oo lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, madaxtooyada iyo maqaayad ku dhow xarunta nabadsugidda Qaranka ee Muqdsiho,..”””ayuu yiri Nicholas Kay.
Hadalkan waxaa uu qeyb ka ahaa khudbad uu jeediyey Nicholas Kay,xilli uu khadka taleefoonka ugu qaybgalay kulan xubnaha golaha ammaanku ku yeesheen magaalada New York kaaso looga hadlayey xaaladda amni ee Soomaaliya,waxaana uu hadalkiisa ku faah-faahinayey sida ay tahay xaaladda Soomaaliya gaar ahaa magaalada Muqdisho.
Waxuu sheegay in dadaalka dowladdu uu yahay mid ay ku doonayso inay guul ka garto amniga oo ay sugto,balse waxuu soo hadal qaaday inay ka hor imaanayan dadaallada ay dowladdu ugu jirto amniga caqabado badan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in isbadal uu ka jiro sid ay ahaayd xaaladda amni ee Soomaaliya,waxuuna sheegay in xaaladda Soomaaliya ay aad uga liidato sidii ay ahayd markii uu sannadkii hore jeedinayay warbixinta ku saabsan isbedelka ammaan ee Soomaaliya ka jira.
Khudbada uu jeediyey Nicholas Kay,waxaa uu beesha caalamka kaga dalbaday dawlada Soomaaliya inay ku gacan siiyaan dadaalka ay ugu jirto sugida amaanka magaalada Muqdisho oo dalka caasimad u ah,isagoona intaa raaciyey in beesha caalamku ka dhabeyso ballaan-qaadkii ay horay Soomaaliya ugu fidiyeen.
Waxaa kalo uu soo hadal qaaday Nicholas Kay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afirka oo iskaashaanaya inay howlgallo wadajir ah ka wadaan deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo deegaanno badan looga qabsaday kooxda Al-shabaab.
Muqdisho ayaa waxaa weerarro toos ah iyo qaraxyo ka gestay dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab,waxaana taasi ay ka dhigtay inay muujiso in amniga Muqdisho uu yahay mid an hagaag-saneyn
Idale News Online