Netherland​s oo si toos ah u bilowday dib u celinta qaxootiga Soomaalida

0
380

Arbacada laga bilaabo Netherlands waxay markii ugu horeysay laga soo bilaabo 2010, waxay celineysaa qaxooti Soomaaliyeed oo codsiyadooda magangelyo la diiday, iyadoo maanta oo Arbaco ah la filayo in qeybta ugu horeyso laga duuliyo garoonka diyaaradaha Amsterdam ee Schipol, qeybta labaadna Maalinta Sabtida iney duuliso.

Qoraal lagu soo daabacay bogga Hay’adda VluchtelingenWerk ee caawisa dadka qaxootiga ayaa lagu sheegay in arrintan dib u celinta ah ay tahay mas’uuliyad daro, waxayna hay’adda ay walaac ka muujisay xaalada dadkaasi Soomaaliyeed ee lagu celinayo dal aan weli nidaam hagaasan ka jirin.

VluchtelingenWerk waxay sheegtay in Xaalada amaanka ee wadanka Somalia weli xun tahay, isla markaana aysan jirin amaan iyo damaad qaad dadkaasi amaankooda.

Maalinta Sabtiga ayey sheegtay VluchtelingenWerk in qeybta labaad ee qaxootiga Soomaaliyeed laga duulin doono Amsterdam, taasoo ay walaac ka muujisay. Arintan ayaa u muuqata mid bilow u ah sidii kooxo cusub loogu celin lahaa Somalia.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa u sheegtay Holland in aysan celin qaxootiga Soomaaliyeed.

Bishii hore ninka madaxda u ah guddiga sare ee qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo lagu magacaabo Guterres kulan uu la yeeshay xubnaha Baaarlamaanka wuxuu si adag u dalbaday dadkaan inaan Muqdisho loo celin, isagoo intaa raaciyay in wadamada kale ee Yurub gaar ahaan kooxaha caawiya qaxootiga waxaa u cad inaan xoog lagu celin qaxootiga maadaama xaalada amaan ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Dhambaalka u danbeeyay ee laga helay Somalia wuxuu muujinayaa iney xun tahay xaalada nabadgelyo, dib u noqoshada Soomaaliya loogu celinayo qaxootigana waxay imaan kartaa xaqiiqo ahaan marka ay jirto soo fiicnaansho xaalada amaan oo joogto ah siina jireysa, markaasina lagu dhiiran karo dib u celin.

Hay’adda VluchtelingenWerk Waxay ugu baaqday xukuumadda in ay joojiso dib u celinta dadka Soomaaliyeed, inta xaalada ka wanaagsanaaneysna waa in ay halkan badbaado ku helaan.

Laakiin Maxkamadda sare ee dalka Holland ayaa sanadkii hore amar kasoo saartay qaxootiga Soomaaliyeed ee dib loogu celinayo dalkooda, iyadoo mamnuucday sababo ay ku sheegtay xaalada dalka ay ka yimaadeen oo ah mid aan hagaagsaneyn iyo xadgudub dhinaca xaquuqda aadanaha ah.

Dalka Holland waxaa ku sugan Qaxooti Soomaaliyeed oo codsiyadooda la diiday, kuwaasi oo ku nool dhismaha Kaniisad ku taal Amsterdam, halkaasi oo dadka u dhashay wadankaan iyo ajaaniibta kale ee ku nool ay tabarucaad joogto ah u fidiya dadkaasi ka dhibaateysan dhinaca sharciga.

Idale News Muqdisho