Natiijooyin horu dhac ah oo laga helay doorashada Baarlamaanka Jabuuti

0
200

Iyadoo shalay dadweynaha reer Jabuuti ay u dareereen doorashada baarlamaaniga dalkaas ayaa waxaa soo baxaya natiijiyooyin horu dhac ah oo lagu dhawaaqay, kadib markii laga sii daayay Telefishinka qaranka iyo Raadiyaha Jabuuti.

Natiijada ayaa la sheegayaa in Xisbiga talada haya uu helay 49 %, halka kooxaha mucaaradka ay heleen 47 %, waxaana natiijada ay tahay mid aan isugu dhow, maadaama Mucaaradka aan la fileyn inay natiijo taas la mid ah ay helaan.

Doorashada Jabuuti

Doorashadan oo ah markii u horeysay oo muddo 10-sano ay ka qeyb qaataan kooxaha mucaaradka ayaan wali natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqin, lamana shaacin sida cododka Gobolada loo kala helay.

Ilaa 442 oo goobood ayay codkooda ka dhiibteen dad ka badan 174,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha guddiga doorashada dalka.

Ololaha doorashada ayaa ahaa kuwo ereyo kulul ay is dhaafsanayeen xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo isbahaysiga asxaabta mucaaradka.

Idale News Muqdisho