Muqdisho(INO)–Taliyaha nabad suggida Soomaaliya Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka hadlayay munaasabad tababar loogu soo xirayay askar ka tirsan dowladda ayaa sheegey in laga bilaabo shalay oo 9-ka bisha ay ku beegantahay shacabka laga doonayo in ay iska diiwaangaliyaan xarumaha dowladda ee degmooyinka.
Waxa uu sheegey in halkaasi qof kasta laga siin doono waraaq cadeyn ah in uusan ka tirsanayn Alshabaab ama uusan taageerin, qofkii aanan warqadaasi heysana muddo bil kadib ah la xiri doono.
Sidoo kale taliyaha ayaa sheegey in garoomada iyo waddooyinka laga soo galo dalka dadka laga diiwaangalin doono.
Dhanka kale waxa uu sheegey in dowladda ay diyaargaroowdey, hesheyna xoggo badan oo ku saabsan dadka taageera Alshabaab, kuwa dhaqaalaha siiya, kuwa lacagaha u uruuriya iyo waliba idaacado uu sheegey in dayaacad ay u faafiyaan Alshabaab.
“Gurigii Shabaab ku hoydaan waa dumin, gaarigii ay isticmaalaan waa gubis, gacantii lagu salaamo waa goyn” ayuu yiri taliyaha.
Idale News Online, Muqdisho.