Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka U Dhaxeeya Axmed Madoobe & Madaxweyne Shariif Xasan?

0
245

Baydhabo (INO) — Waxaa isku dheggan Madaxweyniyaasha Maamuladda Jubba & Koonfur Galbeed, oo isku khilaafay Danahooda u gaarka ah.

Teaser Image Muxuu Salka ku hayaa Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe & Shariif Xasan?

Axmed Madoobe ayaa uga baxay Madaxweyne  Shariif Xasan Ballamo dhowr ah oo ay kamid yihiin in Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubba uu ka dhigo Shaqsi isaga uu usoo gudbiyay & in Dhaqaalaha laga helo Dekedda Kismaayo 15% uu qaato Madaxweyne Shariif Xasan sheekh Aadan sida Ilo Xog Ogaal Ahi u Xaqiijiyeen Warbaahinta Idale News Online.

Axmed Madoobe ayaa diiday inuu bixiyo 15% Dakhliga Dekedda Kismaayo, wuxuu sidoo kale ka dhigay Gudoomiyaha Baarlamaankiisa Nin kamid ahaa Jabhaddiisa Raas Kambooni, kaasi Qabiil ahaan ka Soojeeda Beesha Raxanweyne/Yantaar, balse aan ku Siyaasad ahayn.

Halkaasi ayay sarta ka qurantay oo Khilaafka Labada Mas’uul ka billowday, waxaana Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan billaabay inuu abaabulo Xildhibaanno Mucaarad ah, kuwaasi oo dhawaan Mooshin ka gudbiyay Baarlamaanka Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii,  Hogaamiyaha Maamulka Jubba Ee Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Dagaalka isaga & Madaxweye Shariif Xasan u dhaxeeya uu yahay mid Shaqsiyadeed, oo Dano Dhaqaale isku hayaan, islamarkaana Ninkii roonaado Reerka u hari doono.

Idale News Online – Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here