Muxuu ka yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Shirarka ka socda Magaaladda Kismaayo

0
219

ppopppppooooooijmghv vxcfcxd

Iyadoo ay muddooyinkaani jireen hadalo is Khilaafsan oo ka soo baxayey Maamulka KMG Kismaayo ayaa waxaa Arrintaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arimaha  gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia, Md. Cabdi Kariim Xusein Guuleed, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia aysan marnaba ogolaan doonin in Kismaayo looga dhawaaqo Maamul aan waafaqsaneyn Dastuurka Xukuumadda Somalia.

Cabdi Kariim Xusein Guuleed, waxa uu sheegay in Shirarka iyo Kulamada maamul u sameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo uu yahay mid meel cidla ah ku baxayo isagoona shaaciyay in Shirarkaasi wixii kasoo baxa dowladu aysan aqballi doonin.

Wasiirka waxa uu dhanka kale, sheegay in Shirka ka socda Magaaladda Kismaayo uu yahay mid lagu doonayo in lagu marin habaabiyo dadka Magaaladdaasi ku nool wuxuuna sheegay in dowlada horay uga  qaadatay go’aan cad oo muujinaaya in Kismaayo wixii kasoo baxa aysan marnaba ahaan doonin kuwa dowladu ay meel ka soo qaado.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi Kariim Xusein Guuleed, waxa uu sheegay in Shirka ka socda Kismaayo ay ogolaan doonaan markii la soo waafajiyo Dastuurka Dowladda Somalia ka horna aysan ka hadli doonin Mowqifka kaga aadan MKG Kismaayo.

Idale News Muqdisho