Max’ed Yusuf Cismaan Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu Gowrdhaw ka warbixiyey sababta keentay in maanta la xiro inta badan Waddooyinka Magaaladda Muqdisho.
Max’ed Yusuf Cismaan, waxa uu sheegaya in xirnaanshaha wadooyinka muqdisho in ay aheyd baqdin laga qabo falal amni darro oo ka dhaca magaalada, kadib markii Maamulka lagu wargalshay in Guddaha Magaaladda ay ku jiraan Ragg doonaayay inay fuliyaan Falal isugu jira Qaraxyo iyo Dilal.
Max’ed Yusuf Cismaan Afhayeenka maamulka gobolka banaadir ayaa maanta waxa uu Saxaafada u aqriyey Warsaxaafadeed kasoo baxay ku-xigeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna kusimaha Gudoomiyaha iyo duqa gobolka Cali Axmed Guure, isagoona sheegay in Hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ay go’aansadeen in magaalada Muqdisho laga bilaabo howlgal lagu xaqiijinayo amniga.
Waxa uu Afhayeenka Sheegay in Magaaladda Muqdisho ay ku soo badanayaan Kooxaha lala xiriirinayo Xagjirka Somalia, balse Maamulka Gobalka Banaadir uu waddo tiro koobyo looga hortagayo Kooxaha qal-qal galinaya Ammaanka Magaaladda Muqdisho.
Dhanka kale, Afhayeenka gobolka Banaadir Max’ed Yusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka codsanayo shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir in ay gacan ku siiyaan Hay’adaha amaanka sugida amniga gobolka Banaadir, waxa uuna afhayeenka sidoo kale xusay in maamulka gobolka Banaadir uu ciidamada amaanka ku dhiiro gelinayo islamarkaana farayo in ay dhowraan karaamada shacabka Soomaaliyeed ee ay howsha u hayaan waa siduu hadalka u dhigaye.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in Xilliyada laga shakiyo Magaaladda ay ku soo rogi doonaan Bandow isla markaana ay Ciiddamadda Ammaanka Hawlgalin doonaan.
Idale News Muqdisho