Muwaadiniin Turki ah oo ku Dhintay Qaraxii is miidaaminta ahaa ee lagu weeraray Magaalada Muqdisho

0
244

 

burcad-badeed_siiriya_2War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay wadada isku xirta Km4 iyo garoonka dayuuradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay waxyeelo ka soo gaartay dad u dhashay dalka Turkiga oo gaari halkaa ku marayey.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxan loo soo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo xiray kadibna lala beegsaday gaari kale oo ay saaran yihiin dadkaasi Turkida ah.

Ilaa haatan ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay waxyeeladu inta ay la eg tahay balse dad goobta ka ag dhowaa ayaa soo sheegaya in uu jiro dhaawac iyo geerida Labo ruux oo Turki ah.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa xiray ciidamada dowladda iyo Amisom kuwaa oo xanibay dhaqdhaqaaqa goobta, weyna adag tahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Weerarkan ayaa yimid saacado kadib markii weeraro ismiidaamin ah iyo kuwo toos ahba ay maaanta ka dhaceen xarunta maxkamada gobalka Banaadir, halkaa oo ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20 ruux oo ay ku jiraan qareeno iyo suxufi.

Idale News Muqdisho