Waxaa maanta magaalada Baydhabo Janaay soo gaaray Musharax Eng. Saalax Sheekh Cismaan oo kamid ah Musharixiinta Tartanka ugu jira xilka Madaxtinimo ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Musharaxa ayaa ka soo kicitamay markiisa hore wadanka Boqortooyada Ingiriiska.
Waxaa garoonka Shaati Gaduud ku soo dhoweeyay Musharaxa, Suldaano, Malaaqyo, Abwaano, waxgarad iyo dhalinyaro.
Musharax ayaa dhammaan u gacan qaaday dadkii ku sugna garoonka,isl markaa uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ugu soo dhoweeyeen magaalada Baydhabo Janaay.
Idale News Online,Baydhaba.