Musharax Axmed Cabdisalaan “Waa In Ahlusuna Laga Qeyb Geliyaa Shirka Maamul U Sameynta”

0
247

Muqdisho (INO)— Musharaxa Madaxweyne ee Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdisalaan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan shirka uga soo qeyb-geliso Ahlu Sunna Wal-jameeca.

musharax-5

War saxaafadeed ka soo baxay Musharax Axmed Cabdisalaan ayaa lagu sheegay in Ahlusuna Wal-jameeca ay halgan adag ay soo gashay xorreynta iyo mideynta shacabka gobolladda dhexe isla-markaanna aysan habooneyn in dowladda federaalka ka gaabiso fulinta ribtaanka Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

“Suurto-gal maaha inaan iska indho-tirno halganka Ahlu Sunna iyo muhiimadda ay u leeyihiin in maamul rasmi ah uu ka hana-qaado gobolladda dhexe, Dowladda Federaalka waxaan uga digayaa in Ahlu Sunna la’aanteed shirkaan Cadaado sii socdo, waa in laga soo qeyb geliyaa, waan hubaa in dhankooda diyaar u yihiin heshiiska” ayuu yiri Musharax Axmed Cabdisalaan.

Musharax Axmed Cabdisalaan ayaa ka mid ah musharixiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo dhowaan la filayo in doorashadiisa ka dhacdo degmada Cadaado.

Ahlusuna Wal-jameeca oo dhowaan la wareegtay degmada Dhuusa Mareeb oo noqon doonta xarunta Maamulka Gobollada Dhexe ayaa horay ugu gacan seyrtay shirka ka socda Cadaado, waxaana ay ku dhawaaqeen gogol maamul loogu dhisayo Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.

Ugu dambentii Musharax Axmed Cabdisalaam ayaa u hambalyeeyey Baarlamaanka cusub ee dowlad gobolleedka Galmudug oo shalay la dhaariyay, iyagoo yeeshay fadhigoodii u horeeyay.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here