Mursi oo ka digtay in xiligaani la faragaliyo Somalia

0
216

Madaxweynaha Dalka Masar Mohamed Mursi ayaa shaaca ka qaaday in arin xun a tahay in xilligaani la faragaliyo siyaasadda somalia waxa uuna sheegay in iminka somalia ay tahay mid kusii siqeysa horumar iyo nabad

Mursi waxa uu sidoo kale sheegay in Xukuumadda masar ay garab-taagantahay Xukuumadda Somalia isaga oona Beesha caalamka ugu baaqay in aysan faragalin siyaasadda somalia, Mursi ayaa sheegay in uu u arko haddii xilligaani faragalin lagu sameeyo somalia taasi micnaheedu ay tahay in aan nabad loo rabin somalia

Mursi ayaa tilmaamay in Somalia ay xiligaani u bilowatay nolol cusub caalamkuna looga baahanyahay inay garabsiiyan somalia si looga hortago ayuu yiri kooxaha kasoo horjeeda nabadda iyo bilicda dalka somalia

Si kastaba ha ahaatee hadalka Mursi ayaa imaanaya xili xukuumadiisu ay sheegtay inay maal ku bixin doonto horumarka somalia caalamkuna laga doonaayo inay ka shaqeeyan Nabadda somalia isaga oo sheegay in haddii sidaani lagu fiirsado somala ay ka dhalan karto dhibaatooyin saameeya caalamka oo idil sida uu sheegay Mursi loona baahanyahay in si saf ah loo samata bixiyo somalia.

Idale News Muqdisho