Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Genaral C/xakiin Daahir Saciid”Saacid”oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka Sameeyeen Dhalinyaro Booliska la Shaqeyneysa.
C/xakiin ayaa sheegay in Degmooyinka Gobolka Banaadir Dhalinyaradaasi laga Qoray,oo Degmo walba laga Qoray 100 Dhalinyaro ah oo Ciidamada Booliska Amaanka kala Shaqeenay.
Waxaa uu intaa ku daray Taliyaha in Dhalinyaradaas,hada ilaa 4 Degmo oo Gobolka Banaadir ka mid ah laga howlgalin doono,oo Saldhig Walba la geeyndono.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa intaa raaciyey in Arintaan ay oga goleeyihiin sidii loo soo celin lahaa wada Shaqeyn dhex marta Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Genaraal Cabdi Xakiin Daahir Saacid ayaa ugu danbeyn Shacabka Soomaaliyeed ka Codsaday in Ciidamada Booliska ay la shaqeeyaan oo ay soo gudbiyaan waxii Xog ah oo ay helaan.
Idale News Online, Muqdisho.