Mugdisho:W/Caafimaadka XFS oo gaadiidka gargaarka deg dega ah ku wareejisay qaar kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho

0
201

Goobta lagu wareejinayay gaadiidkaan waxaa ku sugnaa Wasiiradda Caafimaadka iyo qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjireyaasha wadamada Turkiga iyo Qadar, iyaddoo sidoo kale mas’uuliyiinta ay dhagax dhigeen Masjid laga dhisayo gudaha Isbitalka Turkida ee Yarmeli.

Gaadiidka oo gaaraya ilaa 3 baabuurta gargaarka deg dega ah ee Ambulance, ayaa loogu talagalay qaar kamid ah xarumaha  bixiya adeegyada caafimaad sida hay’adda Amiin Ambulance iyo Isbitalka Turkiga ee Yerdmili, sida uu faah faahinayo C/Nuur Xaji Cali oo ku hadlayay magaca haay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo gaadiidkasi guddoonsiisyay hay’addihii loogu talagalay ayaa uga mahadcelisay Hay’adda  Qadar Charity isgarabtaageeda shacabka Soomaaliyeed.