Dagaalyahanada ayaa si dhameystiran ulla wareegay magaalada Harem oo saaran xadka dalka Turkiga, halkaasi oo ay dagaal xoogleh ka socdeen todobaadyadii lasoo dhaafay. Qabashada Harem ayaa qeyb ka ah ololaha ay wadaan dagaalyahanada xukuumada Bashaar Al Assad la dagaalamaya ay ku doonayaan inay ku xoreeyaan dhamaan magaalooyinka saaran xuduuda u dhaxeysa wadamada Siiriya iyo Turkiga.
Xoogaga kacdoonka ka wada dalka Siiriya ayaa maalmihii lasoo dhaafay la wareegay qeybo badan oo kamid ah Waqooyiga iyo Bartamaha dalkaasi Siiriya, ayagoo sidoo kale dhawr jiho ka dagaalamaya nawaaxiga magaalada caasimada ah ee Dimishiq.