Mucaaradka Suuriya oo diiday inay ka qeyb galaan shirka Rome

0
204

Mucaaradka Suuriya ayaa ku gacan seyray inay ka qeyb galaan shirka kooxaha saaxibada Suuriya ee lagu qabanayo bisha soo socota magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Isbaheysiga Qaranka Suuriya ee loo soo gaabiyo (SNC) ayaa ku eedeeyay Beesha caalamka inay ku guuldareysteen in xilligan xal laga gaaro dagaalada sii daba dheeraaday ee ka socda Suuriya.

Mucaaradka ayaa sheegay in aanay ka qeyb galeyn shirarka looga hadlayo dagaalada Suuriya ee ka kala dhici doono magaalada Rome, iyo wada hadalada lagu qabanayo Magaalooyinka Moscow iyo Washington.

Dagaalada ka socda Suuriya oo bilowday sanadkii 2011 ayaa haatan u muuqda inuu weji cusub isu rogayo, kadib markii maalmihii u dambeeyay qaraxyo ka dhaceen Caasimada Dimishiq, dagaaladuna ku soo dhowaadeen.

Go’aanka Mucaaradka Suuriya ku diideen ka qeyb galka shirka ayaa waxaa uu dib u dhac ku keenayaa dadaalka loogu jiro in lagu xaliyo dagaalada Suuriya.

Idale News Muqdisho