Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood adag ka leh kalsooni siinta Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo dooda mudanayaasha baarlamaanka ay qaadatay muddo saacado ah.
Kulankan oo ah kii 42aad kalfadhiga koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 186-mudane, iyadoo ay jireen mudanayaal dib kaga soo biiray, waxaana kulanka shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari.
Xildhibaanada ayaa gudoonka baarlamaanka horgeeyay mooshin ka dhan ah wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada, waxaana durba mudanayaasha baarlamaanka ay noqdeen kuwo ku kala aragti duwan.
Qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qaba in kalsoonida horay loo siiyay xukuumada, isla markaana wasiir kuxigeenadan ay yihiin kuwo ka mid ah, balse taas ay ka biya diidan yihiin xildhibaanada mooshinka keenay oo dalbaday in la horkeeno wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada.
Waxaa la filayaa in goor dhow uu gaaro fadhiga Baarlamaanka Ra’iisul wasaare Saacid, si uu ugu dalbado mudanayaasha inay kalsoonida siiyaan wasiir kuxigeenada iyo wasiir dowlayaasha.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa wasaarad walba u magacaabay min labo wasiir kuxigeen, taasoo dood ka timid uu hareeyay baarlamaanka, kaasoo ku saabsanaa sida ay u wada shaqeyn karaan labo wasiir kuxigeeno, hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha uu u cuskaday in Wasaaradaha ay yihiin kuwo badan.
Lama oga go’aanka ay qaadan karaan mudanayaasha baarlamaanka oo maalmo ka hor ku kala qeybsanaa kalsooni siintii miisaaniyada sanadka 2013, kaasoo ay dib ugu celiyeen wasaarada maaliyada, markii ay codka kalsoonida u diideen.