Xidiga asal ahaan Somaliga ah balse u orda wadanka Ingriiska Mo Farah ayaa galay bugga taariikhda gaar ah markii uu noqday qofkii ugu horeyay oo ay Copy ku sameyso boqarada Ingriiska taas oo sameeysay dabaal daga laacibkaan ee MoBot
Queen Elizabeth waa markii ugu horeysay oo ay copy ku sameyso ruux bani’aadam ah, xilliga ay queen sameynaysay arintaan ayaa Mo ku tagay booqasho qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace isagoo soo qaadanayaayay bilad sharafkii ay guddoon siisay dhammaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee CBE,
“Mo Farah aad ayuu ugu farxay una soo dhaweeyay booqashadiisa Buckingham Palace sidaasi waxaa yiri walaalkii Omar Farah oo ay isku aabbo yihiin xilli uu u waramayay Jariiradda Daily Star ee London kasoo baxdo.
Trademarka caanka ah ee Mo waxaa horey u sameeyay dad aad caan u ah oo ka mid yahay duqa magaaladda London, Raiisul wasaaraha Britain David Cameroon iyo dad kale oo faro badan.
Idale News Muqdisho