Mo Farah oo guushiisii ugu horeysay ka gaaray orodada gudaha dalka Ingiriiska

0
204

Orodyahanka ku guuleystay labada biladood ee tartankii Olympikada Mo Farah ayaa guushiisii ugu horeysay ka gaaray tartan orodada gudaha ah oo ka dhacay dalka Ingiriiska.

Mo Farah ayaa ku guuleystay tartanka orodka 3000m ee loo yaqaan British Grand Prix oo lagu qabtay Birmingham.
Farah ayaa hogaanka orodka qabtay markii la marayay kala bar isagoo ku dhamaystay toddobo daqiiqo iyo 42 second.
Tartankan ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee sanadkan uu ku guuleysto Mo Farah isagoo rajo ka qaba in tartano badanoo uu ka qeybgalayo uu fure u noqdo.

Mo Farah ayaa ka qeybgeli doona tartanka Virgin London Marathon isagoo ordi doona wadooyinka London sanadka 2014ka.
Orodyahan Mo Farah ayaa waxa uu rajeynayaa in uu u tartamo tartanka ciyaaraha Marathonka ee 2016.
Tababaraha Farah Alberto Salazar ayaa hore u sheegay in uu u tartami karo Mo Farah orodka marathonka ciyaaraha olymbikada ee 2016.

Toddobaadka soo socda ayaa waxa uu Mo Farah ka qeybgali doonaa tartan mini-marathon oo ka dhacaya New Orleans.

Idale News Muqdisho