Military Mareykanka oo ku howlan in ciidankooda dagaalka helaan Lebis Military oo xiliga ay dagaalka ku jiraan cadowgoodu meel kastaa uu joogo uusan arki karin

0
215

Military Mareykanka ayaa qorsheynaaya Technology cusub oo u sahleysa ciidankooda dagaalka meel kastaa oo dagaal kaga jiraan in cadowgooda uusan arkin, waxaan Technology cusub ka qeyb ah lebis ama uniform loo xiro ciidankooda dagaalka ku jira si loogu ekeysiiyo enviroments ama bii’ada ay dagaalka uga jiraan.

Shirkada badan ayaa qandaraaskaa cusub loo bandhigey waxaana hadda ku guuleysatey shirkada Canadian ah oo ciidanka Mareykanka u sameyn doonta labis gaar ah oo hadba enviroments and deegaanada ay ka dagaal galayaan u eg, isla markaasna cadowgooda uusan meel dheer ka soo shiishi karin.

Haddii sida hadda ay wax u socdaan la soo dhameystiro Technology_yadaan cusub, ciidamada Mareykanka waxa ay qorsheeyeen inaysan jirin doonin cid dagaal kaga soo horjeesata oo kaga adkaata.

Milatariga Maryekanka, waxa ay qarash badan ku bixiyeen taknoolijiyad cusub oo ka dhigi doonta ciidamda kuwa aysan arki karin cadowga dagaalka kaga soo horjeeda.

Shirkado dhinaca taknoolajiyadda ka shaqeeya, ayaa barnaamijkan ku qaatay lacag badan oo soo saaray dhar ciidanka Mareykanka marka ay xirtaan ka dhigaya kuwa aysan indhu qaban.

Waxaa ku xiran qalab kaamiro ah oo dhinacyadooda u kala fidiniya iftiin u eg goobta ay markaas joogaan, kaasi oo indhaha kuwa kasoo horjeeda tusaya kaliya goob maran oo cidna aysan joogin.

Weriyaha CNN-ka uu qaabilsan waaxda gaashaandhiga Mareykanka ee The Pentagon Chris Lawrence ayaa warbixin ka diyaariyaya arrintan ee daawo