Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay Xariga Weriye C/casiis Koronto

0
219

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda Rafcaanka Muqdisho ku sii deysay Haweeney horay ugu eedeysay inay Ciidamadda Dowladda kufsadeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxa Siyaasadad Dibadda ee Ururka Midowga Yurub, Catherine Ashton, ayaa lagu sheegay inay talaabo horay loo qaaday tahay Go’aankaas, oo lagu xushmeynayo Sharciga.

” Dowladdu waa inay hubaal ka dhigtaa  in Haweenka laga badbaadiyo Tacadiyada Kufsiga lagula kaco Haweenka” ayaa lagu xusay war-saxaafadeedkaas.

Dhinaca kale, Catherine Ashton waxay ka hadashay xariga Weriye C/casiis Koronto, kaasi oo weli xabsiga ku jira, waxayna sheegtay inuu Ururka Midowga Yurub ka walaacsan yahay nidaamka Sharciga ee Aasaaska looga dhigay Xukunkiisa.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Catherine Ashton si dhow ula socon doonan, isla markaana ay Dowladda Somalia kala hadlayaan

” Suxufiyiinta waa inay awood u yeeshan inay si madax banaan uga shaqeeyan gudaha Somalia, iyadoo aan wax cabsi ah ama xarig loo geysan” ayey tiri Catherine Ashton, oo intaa ku dartay inay soo dhaweynayan baaqii Ra’isul wasaaraha Somalia ee uu ku balanqaaday in la dhowrayo Xuriyada hadalka iyo howlaha Suxufiyiinta.

Idale News Muqdisho