Midowga Yurub Oo Aduun Dhan $157 Million Ugu Deeqay Ciidamada AMISOM

0
200

Muqdisho(INO)-Ururka Midowga Europe ayaa Ciidamada Midowga Africa ee ka howlgala Somalia ugu deeqaya lacag dhan 187 Million oo dollar-ka mareykanka ah taas oo ay sheegeen in wax looga qabanayo la dagaalanka Maleeshiyaadka Al- shabaab.

EU

Lacagtan ayaa loogu talagalay AMISOM muddo 7 bilood ah oo ka bilaabanayso June kuna eg 31 December.

Lacagtaani ayaa la sheegay inay ku baxayso mushaaraadka ciidamada, magdhawaga ciidamada,mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah, kharashaadka hawlgalada iyo qalabaynta xerada tababarka ciidamada ee Aljazeera.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Midowga Afrika u saxiixay Madaxa amniga ee Midowga Afrika Smail Chergui halka Midowga Yurub usaxiixay Klaus Rudischauser.

Bishii September ee sanadkaan ayaa waxa Warbaahinta dalka Uganda ay sheegtay in Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Somalia aanan la siinin Mushaaraadka 9 kii bilood ee la soo dhaafay.

Lacagahaasi la bixinaayo ayaa waxa ay si toos ah u gaari doontaa Ciidamada ka kala socda Wadamada Uganda, Kenya Ethiopia , Burundi iyo Jabuuti ee ka howlgala gudaha iyo Gobolada Somalia.

Dhanka kale, talaabadaani ayaa imaaneysa xili Askariga ka tirsan AMISOM uu bil waliba ku xisaabtamo lacag kor udhaafaysa 1,000 dollar halka askariga Soomaaliga ah loo la’yahay 100 dollar.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here