Wafdi ka socda maamulka koonfur galbeed Somalia uuna hogaaminayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamulkaas C/llaahi Shiikh Xasan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhoweeyey xubno kala duwan oo isugu jiray, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha bulshada.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamulkaas C/llaahi Shiikh Xasan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha la socda ay ka yimaadeen magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee maamulka koonfur galbeed.
“Safarka aan ku nimid Xamar waxaa uu hordhac u yahay guddi wasiiro ah oo madaxweynaha maamulka koonfur galbeed u xilsaaray colaada gobolka Sh/dhexe iyo iney gogol nabadeed dhigaan degmada Afooye” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.
Wasiirka ayaa sheegay in degmada Baraawe oo ah caasimada maamulka koonfur galbeed ay dhowaan booqan doonaan si ay uga shaqeeyaan sidii maamulku uu halkaas shaqadiisa uga bilaabi lahaa.
C/llaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay in gobolka Sh/hoose ay soo mareen dhibaatooyin kala duwan oo u badan colaado, wuxuuna xusay iney intii karaankood ah ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaas.
“Gobolka Sh/hoose waxaa uu ka mid yahay sadexda gobol ee ugu kheyraadka badan Somalia sida bad, webi iyo Beero sidaasoo ay tahay duruufaha dowlad laaneed ee jiray awgeed sidii loo baahnaa loogama faa’iideysan” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo xusay iney dhiiri gelin doonaan wax soo saarka gobolka.
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamulkaas C/llaahi Shiikh Xasan ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan qorsheyaal lagu calaamadeynayo xuduudaha ay wadaagaan gobolada Banaadir iyo Sh/hoose oo uu xusay iney hadda ka jirto isku dhex yaac badan.
C/llaahi Shiikh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiintii mucaaradsanaa dowlada Somalia mudooyinkan ayaa ka mid noqday golaha wasiirada maamulka koonfur galbeed Somalia ee uu dhowaan magacaabay madaxwynaha maamulkaas Shariif xasan Shiikh Aadan.