Masar(INO)-Wararka laga helaayo Dalka Masar ayaa sheegaya in Meydka Wariye Soomaaliyeed laga helay Xeebta Alaskandariya ee Dalka Masar , waxaana Wariyahan iyo dad kale oo la socday la sheegay in ay ka dhaceen Dooni yar ay saarnaayeen.
Wariyaha Meydkiisa laga helay Xeebta Alaskandariya ee Dalka Masar ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Casiis Sheekh Ibraahim (Al-Cadaala) , waxa uuna lasoo shaqeeyay Wariyahan Taleefishino iyo Idaacado kuyaala Magaalada Muqdisho.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wariye Al-Cadaala iyo labo nin oo kale oo Suudaanees ah ay ka dhaceen Dooni yar oo ku wareejin rabtay dooni kale oo weyn oo ah nuuca ay raacaan dadka Tahriibka ah.
Wariye kusugan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa Idaacada VOA u sheegay Wariyaha Geeriyooday uu doonayay in uu ka tahriibo Dalka Masar balse doono yar oo nuuca laashka ah ay ka dhaceen isaga iyo labo nin oo kale oo Suudaanees ah.
Wariye Cabdi Casiis Sheekh Ibraahim (Al-Cadaala) ayaa lasoo shaqeeyay Telefishino ay kamid ahaayeen Somali Chanel iyo Royal TV , Waxa uu sidoo kale la shaqeenayay Qaar kamid ah Websetyada afka Soomaaliga.
Idale News Online, Masar