Maxkamadda G/banaadir oo riday Xukuno kala duwan

0
238

Guddoomiyaha maxkamada Gobalka Banaadir Dr Xaashi Nuur Cilmi ayaa gowr dhow riday Xukun dambiilayaal in mudda ah lala sugaayay, kadib markii ay Maxkamadda maanta u fadhiisatay Dhageysiga eedeysanayaasha.

Dambiilayaasha la xakumay ayaa gaaraayay ilaa iyo 12-qof oo Lix kamid ah dacwadooda dib loo dhigay kadib markii loowaayay cadeymo rasmi ah.

Dr Xaashi Nuur Cilmi Guddoomiyaha maxkamada Gobalka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in lixda ruux ee la xukumay ay ku jiraan labo ruux oo burcad badeed ku eedeysan oo lagu xukumay 13-sano oo xarig ah iyo 13-milyan shilinka Soomaaliga ah.

Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa maanta furtay Kiisas Dambiyo ah oo qabyo u ahaa ee loo heesto dambiilayaal xirnaa in mudda ah.

Xukunka Eedeysanayaasha ayaa imaanaya kadib markii mudooyinkaani Maxkamadda ay ku hawlaneed sidii ay ku laadi lahayd Kiiskii Weriye C/casiis Koronto waxaana maanta u suura gashay inay dib u furto dacwadihii loo haystay Dambiilayaal tiro ah.

Idale News Muqdisho