Maxkamada Racfaanka oo sii deysay Haweeneydi la kufsaday iyo Wariye Koronto oo lix bilood ku xukuntay

0
200

Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo maalmahan waday dhageysiga dacwada loo heystay Haweeneydii la kufsaday iyo Wariye C/casiis Koronto oo Maxkamada horay ugu xukuntay muddo hal sano ah ayaa maanta sii deysay haweeneydii la kufsaday.

Xeer Ilaalinta Maxkamada racfaanka ayaa sheegtay in wax dambi ah lagu waayo Luul Cali Cusmaan oo horay Maxkamadu ugu eedeysay inay aflagaado u geysatay dowladda, inkastoo aan la soo hadal qaadin kufsigii iyada loo geystay iyo tallaabada Maxkamada ka qaadaneyso.

Laakiin Maxkamada racfaanka ayaa amartay in la sii daayo haweeneydan, waxaase Maxkamada ay muddo lix bilood oo xarig ah ku riday Wariye C/casiis C/nuur Koronto oo horay muddo sanad lagu xukumay.

Qareenka u doodayay wariyaha ayaa sheegay in wali aanay ku qanacsaneyn, iyadoo Wariyaha lagu eedeeyay inuu been abuur sameeyay.

Kiiskan kufsiga iyo xukunka Maxkamada riday ayaa si weyn u gil gilay siyaasada dowladda, waxaana dowladda Soomaaliya ku tilmaamay mid sumcad xumo ugu soo jiiday caalamka.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Idale News Muqdisho