Maxkamada Kismaayo oo xukun dil ah ku Riday maanta Askari

0
186

Warka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Maxkamadda Ciidamada Maamulka KMG Jubba ay markii ugu horeysey maanta ridey xukun dil ah oo ay ku riday Askari Ruux kale ku dilay Magaalada Kismaayo.

Dekkad-Kismaayo-

Madxamada ayaa waxa ay xukunkaani ugu horeeyay ku fulisay askari ka tirsan Ciidamada Maamulka oo la sheegay inuu dil bareer ah u geystay ruux kale.

Maxkamadda oo la magacaabay labo maalmood uun ka hor ayaa sheegtey in askarigani ay ku cadaatay in uu dilka geystey.isla markaana Xukunka ay ku riday dhaqso loogu fulin doono Askariga dilka lagu xukumey ayaa waxaa lagu magacaabaa Dable Cabdirisaaq Barre Cabdi Dhuux.

Dhanka kale, Ninkani ayaa lagu soo eedeyey in uu diley wiil 8 jir ah oo lagu magacaabo Cabdimaalik Axmed Maxamed Cabaas oo uu si bareer ah rasaas ugu furay lamana oga sababta Dilkaas uu ugu geestay Wiilkaa yarka ah.

Idale News Online, Kismaayo