Maxamed Mukhtaar “Soomaaliya Fursad Fiican Ayay U Leedahay Shidaal Inuu Ku Jiro”

0
259

Muqdisho(INO)— Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa ka hadlay shir looga hadlayay Shidaalka Afrika oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

wasirkabatrolka

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka socdo dhaq dhaqaaqyo lagu sahminayo Soomaaliya, isagoo xusay in Caalamka uu isha ku haayo dalalka bariga Afrika oo lagu tuhmayo in shidaal uu ku jiro.

“Soomaaliya waxaa ka socdo dhaq dhaqaaqyo lagu sahminayo shidaalka, runtiina fursad fiican ayay u leedahay in Shidaal uu ku jiro, hada wadamada bariga waxaa laga sameeyay sahmin shidaal”ayuu yiri Wasiirka Batroolka oo xusay in sahminta laga sameeyay dalal ay ku jirto Itoobiya, Kenya iyo Uganda oo u waramayay Idaacada BBC.

Wasiirka ayaa sheegay in sahminta hada la wado ay dhinaca Badda tahay, halkaasoo uu tilmaamay in meelaha aad loo daneynayo ay ka mid tahay oo la tuhunsan yahay in shidaal ku jiro.

Waxaa uu sheegay in illaa sideed goobood la calaamadeeyay, gaar ahaan dhagaxa shidaalka keydiya, waxaana uu xusay in haatan ay jirto tiknoolijiyad casri ah, ayna rajeynayaan in Soomaaliya kheyraadkeeda uu noqdo mid ku filnaada oo aan kaalmo loogaga baahan dibadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay heshiis ula gashay shirkado baara shidaalka, iyadoo shirkada Soma Oil & Gas oo sanadkii 2013 heshiis la gashay dowladda ay ku soo baxday fadeexad musuq maasuq.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here