Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay tibaxayaan in Shir balaraan oo manta ka socday garoonka Diyaaradaha ee uu ku soo dhamaday Natiijo la,an.
Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galayay Wafdi Balaraan oo ka socda Dowlada Somalia waxaana wafdigaasi horkacayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Cabdikariin Guleed iyo Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Geddo iyo Odayaasha Dhaqanka .
Shirkaan ayaaa waxaa diirada lagu sarayay xal u helida Shaqaaqoyinki ka dhacay Magaalada Kismaayo labo maalmood ka hor waxaana muhiimadiisu ahaayd sidi lo kala qaadi lahaa Ciidamada isku horfadhiya Gudaha Magaalada Kismaaayo.
Inkasta oo Isgarsiinta Magaalada Kismaayo ay hawada ka maqan tahay ayaa waxaa Shabakada Warbaahinta Kismaayo24 u sura galay in ay xiriir la samayso Shaqsi ku sugan mid ka mid ah Xarumaha Shirkadaha Isgarsiinta Kismaayo oo ayagu wali telefanadooda ay Shaqaynayaan waxa uu ino sheegen in Shirki Garoonka Diyaaradaha ka socday u ku soo dhamaday Natiijo la,an.
Shaqsigaan ku sugaan Magaalada Kismaayo oo anu waydinay qodobada la isla fahmi wayay ayaa waxaa uu ino shegay in uusan faafahin badan ka ahayn balse kaliyah uu og yahay in wada hadaladi ay ku soo dhamadeen natiijo la,an.
Waxaa sido kale gobjoohaani uu ino sheegay in Wafdigii Ka socday Dowlada Somalia ee sakay ka yimid dhanka Muqdisho ay galabtay dib ugu labteen Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale shaqsigaan ku sugan Magaalada Kismaayo waxaa uu ino sheegay in Xaalada Magaalada ay iminka dagan tahay waxana macquul ah in waqti kasta ay wax is badalaan.
Idale News Muqdisho